U bood dhigaalka

Madaxweyne Cosoble Oo Sheegay In La Dhacay Shacabka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in la dhacay shacabka gobolka Hiiraan, gaar ahaan ganacsatada gobolkaasi, kadib markii wax looga iibsaday lacag shilin Soomaali ah oo lagu soo sameeyey maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay Cosoble in dadka markii lacag been abuur ah looga iibsaday qudaar, xoolo, subag iyo wax walbo oo ganacsi ah laga diidey in lacagtaasi hadana laga qaato taasi oo uu sheegay iney dhibaato badan ka dhalatay.

“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxya la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jirey dowlad goboleedka Hirshabelle kahor, laakiin nasiib darro lacagihii sidaasi ahaa oo maalin walbo hantidooda ku bedalanyey la yiraahdo raali ahaada cid qaadaneysa malahan” ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Sidoo kale cosoble ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayayaan iney wax ka qabtaan cabashada ay qabaan ganacsatada Hirshabele.

Shalay, madaxweynaha maamulkia Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa magaalada B/weyne kula kulmay boqolaal ganacsato ah oo wadey malaayiin Shilin Soomaali ah misane loo sheegay in aysan socon.

Goobjoog News