U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Ay Ku Jiraan Federaalka Iyo Shir Wadatashi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo shir jaraa’id  warbaahinta ugu qabtay  Madaxtooyada magaalada Bosaso ee gobalka Bari , ayaa dhinacyo badan uga hadlay shirkiisa jaraaid.

Madaxweynaha ayaa si weyn ugu eedeeyey dowladda dhexe iyo madaxda hogaaamisa in ay meel martay wax waliba oo heshiis lagu ahaa, waxaana uu intaas uu ku daray in ay dooneyso  duminta iyo burburinta dowlad gobaleedyada.

“Dowladda hadda jirta oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hogaaminayo sedex sano ay jirtay in ay la soo baxday in ay isku dayday in ay ka leexato wiixii dadkaan ay ku heshiiyeen, oo ay ugu horeyso in ay la dagaalanto nidaamka federaalka oo dhammaan qawaaniintii iyo waxyaabihii loo baahnaa ay hareer martay ayuu yiri”

Sidoo kale madaxweyne Deni oo hadalkiisa siii wata ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay in dadka Soomaaliyeed isku soo dhawaanshiyahooda, midnimadooda iyo  sidii dadka maamulada madaxda ka ah la iskugu keeni lahaa waxa uuna yiri.

“Sidii dadka maamulada xukuma la isugu keei lahaa, midnimada loo ilaalin lahaa badalkeeda waxaa ay howl ka dhigatay sida in ay la dagaalanto maamulada dalka waxaad ogtihiin wixii maamulada dalka ka dhacay oo aanan dooneynin inaan dib ugu laabto waxyaabaha hadda socdana dad Soomaaliyeed aad ayey uga  dharagsan yihiin”

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne wadatashi ah kaas oo ka dhici doona 15 bisha Maarso 2020-ka magaalada Garowe, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada labada gole ee Puntland ku matala dowladda federaalka, Isimada iyo Siyaasiyiinta in ay ka soo qeyb galaan.

“Puntland waxaa ay ku baaqaysaa in 15-3-2020-ka la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan golayaasha dowladda heer federal iyo heer State, waxaan ugu baaqeynaa xubnaha labada gole ee federaalka ku matala Puntland in  shirkaas ay ka soo qeyb galaan, waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa Isimada iyo Siyaasiyiinta reer Puntland in ay ka soo qeyb galaan shirka looga hadlayo dalka mustaqbalkiisa” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn  madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee u dhaxeeya wasaaradaha waxbarashada dowladda dhexe iyo Putland, waxaana uu xusay in dalka hadda uusan laheyn Manhaj lagu mideysan yahay oo ardayda Soomaaliyeed wax ku bartaan.

“Ayadoo dalka uusan laheyn Manhaj mideysan, ayadoo dadka Soomaaliyeed qaab tacliin oo isku mid ah aysan laheyn, ayadoo dadka Soomaaliyeed waxa loo dhigaayo aan shaki aan ka qabno, waxaad maalin dhoweyd idaacadaha aan ka maqleynay in nin macali ah uu ahaa hoggaamiye Al-shabaab ah waxa nuucaas ah annaga wax kuma darsan karno, waxaan u sheegeynaa dhalinyarada iyo dadka Soomaliyeed ayadoo dowlad Soomaaliyeed aysan jirin ayey ardayda Puntland ka qalin jabin jirtay jaamacadahana dhigan jireen, Shahaado Xamar laga bixiyo mustaqbalkiina kuma xirno  aniga ayaa idiin balan qaadaayo” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

Shirkaan jaraa’id ee Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu imaanaya ayadoo taagan tahay khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland, waxaana ay maanta  ku beegan tahay 8-da bisha February oo aheyd doorashadii madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo oo sedexdii sano maanta ugu egtahay ayaa mudadaasi waxa ay dowladdu wajaheysay khilaafyo kala duwan oo dowlad gobbaleedyada ah.

Goobjoog News