U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq Iyo Wadahadallada Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu maanta ka jeediyey garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, halkaasi oo lagu dhigay Banaanbax loogu dabaaldegayo munaasabadda Kowada Luulyo.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo aad u badan oo ku saabsan maalintaan iyo sidoo kale waxa xilligaan looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu madaxweynaha soo hadal qaaday colaadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland, wuxuuna Labada dhinac ugu baaqay iney nabadda qaataan oo wax walbo wadahadal lagu dhammeeyo.

Farmaajo ayaa sheegay in dagaallada Tukaraq ay ku dhimanayaan wiilal Soomaaaliyeed, isaga oo ku celceliyey in la joojiyo dagaallladaasi.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Nabad, dagaal dambe iyo colaad dambe uma baahna, waxaan leeyahay arrimaha Tukaaraq ka socda ee dadka Soomaaliyeed dhiigooda bilaa micnaha ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil Soomaaliyeed, waxaa ku dhaawacmaya wiil Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku gablameysa” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in dowladdiisu ay diyaar u tahay dib usoo celinta wadahadalladaasi.

“Somaliland waa dad walaalaheenna ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dowladdan diyaar waxay u tahay iney wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah, oo xaqiiq ah loo wada fariisto Soomaaali kalama maaranto waa dad walaalo ah, waa dad isku dad ah, waa dad wax walbo wadaaga, in umadda Soomaaliyeed isku soo celinno oo aan isku dunno oo aaan walaalinno ayaa qof walbo oo Soomaali ah iyo mas’uuliyiintu waajib ka saaran tahay, aniga ayaa ugu horreya oo madaxweynihii umadda Soomaaliyeed ah iyo dowladdeeda diyaar waxaan u nahay inaan wadahadalkii si kasta oo aan kalsooni ku gelin karno walaalaheen aan ku gelinno, maxaa yeelay waa garab inaga maqan” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidaasi yiri.

Waxaa hakad ku jira wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo Labada dhinac ay sheegayaan in dib loo bilaabayo wadahadallada.

Somaliland ayaa aaminsan iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, wallow aanay dalna aqoonsi ka helin.

Goobjoog News