U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan dalka Maraykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo meertada 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa madashan oo kulmineysa hoggaamiyeyaasha caalamka lagu wadaa in khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka uu halkaasi ka jeediyo.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxayaabaha kulankaasi diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjog News