U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas “Mooshinka Laga Keenay Baarlamaanka Jubbaland Waa Gardarro”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad uga soo horjeestay mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubbaland oo dhawaan ay keeneen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Gaas oo u waramayay Idaacadda VOA laanteeda Soomaalida la hadasha ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay gabeen howlo badan oo horyaallay, sidaa darteed laga doonayay shaqooyinkooda in ay qabsadaan.

Waxa uu sheegay sidoo kale Cabdiweli Gaas in baarlamaanka uu waqtiga gabagabo ka yahay, sidaas oo ay jirtana ay howlo badan sugayaan in ay qabtaan.

“Waxaan U arkaa Mooshinkaasi Gardarro, waxaa lagu heshiiyay dowlad Federaalka ah, dadkaasi maamul ayeey dhisteen, kaliya waa in lagu taageeraa, baarlamaanka Soomaaliya waxaa u taalla howlo aysan wax badan ka qaban, waxaa la rabaa in waxa dhabta ah la wajaho oo lagu mashquulo, laakiinse wax xasaasiyad kicinaya oo Soomaaliya kala geynaya in lagu mashquulo ma qabo, baarlamaanka haku mashquulo howlaha horyaalla”

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay mooshin ka keeneen baarlamaanka Jubbaland, kaasi oo keenay hadal hayn badan iyo is qabqabsi hor leh.

Goobjoog News