U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas oo Isku Shaandheynaya Wasiirada Ka Hor Fadhiga Golaha Wakiilada

Sheeko:Dalka

“Isbadalka Agaasimaha Madaxtooyada Waxa uu Hordhac u Yahay Isku Shaandheyn Wasiirada Puntland” Sidaasi waxaa yiri agaasimaha cusub ee madaxtooyadda Puntland Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegey, kalana wareegey agaasimihii hore Cabdi Mahdi Abshir.

Isbadalka ka dhacay madaxtooyada ayaa waxa uu qeyb ka yahay isbadal ay waddo dowladda Cabdiwali Gaas, iyada oo illaa iyo hadda la badalay agaasimeyaal wasaaradeed.

Lama oga wasiirada ay saameyn doonto isku shaandheynta, hase yeeshee wasaaradaha hadalheyntoodu badantahay ayaa waxaa ka mid ah tan amniga, maaliyadda, iyo kalluumeysiga.

Wararka illo xog ogaal ah aan ka heleyno waxa ay sheegayaan in isku shaandheynta ay ka dambeysey kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ay mooshin ka geeyeen madaxweyne Gaas, iyada oo kadib markaasi uu Gaas xildhibaanada ku qanciyey in uu isbdal degdeg ah sameyn doono.

Golaha wakiilada ayaa lagu wadaa in ay fariistaan todobaad kadib hadda, intaas ka horna waxaa la filayaa isbadalka wasiiradda lagu sameynayo.

Gaas ayaa ku guuleystey aqlabiyad hal cod ah oo kaliya baarlamaanka dhexdiisa markii xilka loo dooranayay, taasi oo ka dhigan in madaxnimadiisa ay qalqal gali karto haddii mooshin laga geeyo.

Goobjoog News