U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyahii Nabad Sugidda Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilalkii uga qaaday Taliyaha Nabad sugidda Puntland iyo ku xigeenkiisa isaga oo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Sharmaarke Sheekh doon oo ahaa taliyaha naba sudigga Puntland PIA iyo ku xigeenkiisa Abshir Aadan ayaa xilalkan laga qaaday kadib markii uu Gaas sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo Isbedal amni.

Taliyaha cusub ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Maxamuud Cabdi Maxamed halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Saciid Salaad Maxamed.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada

WAREEGTO

Goobjoog News