U bood dhigaalka

Madaxweyne Galeyr “Farmaajo Waxa Uu Madaxweyne u Yahay Shacabka Xamar”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, aanu madaxweyne u ahayn shacabka deggan deegaannada maamulkiisa uu ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay Galeyr in Madaxweynaha cusub uu madaxweyne u yahay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweynaha cusub ee Somaaliya waxa uu madaxweyne u yahay Xamar, waxaan ugu hambalyeeyay in midda Xamar un uu ka adkaado” ayuu yiri Galeyr.

Dhanka kale Cali Khaliif oo ka hadlay arrimaha Puntland ayaa sheegay in shacabka qaatumo ay meel uga soo wada jeesteen arrinta ku aaddan cadowgooda oo uu sheegay in Puntland ugu horreyso.

“Inta cadowga nagu ah oo Puntland ka kow tahayna meel baan uga soo jeedsaneynaa, inta ay nabaddayna waan ognahay, in badan baa abtirsiimo xabadka naloogu garaacay, taasna waan ka kornay” ayuu hadalkiisa ku daray Galeyr.

Maamulka Khaatumo ayaa horey u sheegay in xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo aanu iyagu matalin.

Goobjoog News