U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Kasoo Cusboonaaday Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi oo ka hadlay dagaallo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Mudug ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay ineysan guuleysan dedaallo nabadeed oo gobolka Mudug ka wadeen, si xal loogu helo colaadaha soo laab laabtay.

Xaashi ayaa sheegay in dedaal badan ay ku bixiyeen sidii loo nabadeyn lahaa dadka reer Miyiga ah oo badanaa isku dhacoodu salka ku hayo biyo iyo dhul daaqsimeed.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaadaha kasoo cusboonaaday gobolka Mudug, isaga oo tilmaamay in dagaalka lagu bedalo wadahadal.

“Waa wax aa iyo aad looga naxo dagaalladan cusboonaaday, dadku waa uu wada degaa, meeshu markii hore abaar bay ahayd, roob baa da’ay sidaas ayaana la isku qabtay, annaga dedaal baan ku bixinnay marar badan sidii dadkaan nabad ku heli lahaayeen annaga waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa nabad” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya madaxda maamulkaasi ayaa sheegay in kaliya la isku haysto arrimo siyaasadeed, balse aanay ahayn waxa la isku hayo arrimo qabiil iyo wax lamid ah.

Gobolka Mudug waxaa shalay dib uga soo cusboonaaday dagaallo culus oo u dhaxeeya beello kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News