U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Iyo Wafdi Ka Socda UNOCHA Oo Ku Kulmay Garoowe

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Ku Simaha  Madaxweynaha Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta  Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay’adda UNOCHA.

Saraakiisha uu Madaxweyne ku xigeenku ku qaabilay xafiiskiisa waxaa kamid ahaa Mr. Justin Brady oo ah madaxa hay’adda UNOCHA ee Soomaliya oo qaabilsan xafiiska kaalmada bini’aadanimada ee UN-ka iyo sidoo kale madaxa xafiiska UNOCHA ee Puntland Mr Francis iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cismaan.

Injineet Camey ayaa saraakiisha hay’adda UNOCHA kala hadlay arrimaha abaaraha oo ay Puntland horey ugu dirtay beesha caalamka baaq la xiriira sidii Puntland loogu soo gurman lahaa, maadaama ay qaar kamid ah deegaanada Puntland ka jiraan abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland  Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

–DHAMMAAD–

005 004 001