U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey ayaa maanta wuxuu magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhow ah.

Injineer Camey oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay wuxuu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo wafdigan ka socday Qaramada Midoobey.

Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka iney isla garteen wafigan in la ilaaliyo xuquuqda haweenka, caruurta, maxaabiista iyo guud ahaan midda Bini’aadannimada.

Sidoo kale Injineer Camey ayaa sheegay in ay warbixin guud ka siiyeen arrinta ku aadan maxkamadda ciidamada iyo cidda la saaro.

“Waxyaabaha laga wada hadlayey waxay ahaayee arrinta maxkamadda Milatariga iyo markii ay dad qabato xukunkeeda, marka waan ka qancinnay haddii qofka isku ekeyso Milatari oo uu hub qaato in isna la saaro maxkamad Milatari, waxaan isku raacnay in la ilaaliyo xuquuqda ha ahaato dhinaca dumarka iyo ciyaalka, waxaan kaloo ka wada hadalnay xeerka dhaqanka Soomaaliyeed iyo Odoyaasha, taana waan ka qancinnay waxaana u sheegnay in xeerkan uu yahay soo jireen, waxaan qireynaa in wixii ay maxkamadaha goyn waayaan dhankooda loo wareejiyo kuna dhameeyaan dhaqan iyo xeer” yuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar ayaa sheegay in maamulkooda mar walbo ilaaliyo xuquuqul Insaanka, islamarkaana si gaar ah  ay ula socdaan arrimaha maxaabiista.

Goobjoog News