U bood dhigaalka

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku wajahan Jabuti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuti ee caasimadda dalka Jabuti.

Muuse Biixi ayaa kulama kula qaadan doonna inta uu ku sugan yahay dalka Jabuti madaxda dowladdaas.

Warar kale oo ay Goobjoog News  heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu kulan la yeelanayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan dalka Jabuti.

Kulanka ayaa looga hadli doonna sidii dib loogu sii wadi lahaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kawada hadli doona sidii looga gungaari laha wadahadalada labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu uga mira dhalin lahaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Goobjoog News