U bood dhigaalka

Madaxweyne Muuse Biixi oo U Ambabaxay Mareykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta u dhoofay wadanka Mareykanka, waxaana wafdiga madaxweynaha kamid ahaa xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumaddiisa, iyagoo ku hakaday Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in safarka madaxweyne Biixi ee Mareykanka uu qadan doono dhowr maalmood. manajiro wax intaas dhaafsiisan, waxaana uu ka dhoofay garoonka Cigaal isaga oo warbaahin la hadlin.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inta ay kusugan yihiin gudaha Mareykanka inuu la kulmo la yeesho saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tiirsan Mareykanka, waxaana safarkii sidoo kale qeyb ka ah ganacsato reer Somaliland.

Goobjoog News