U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Hadlay Wadahadal Uu Dalka Itoobiya Kula Yeeshay Dhiggiisa Cali Khaliif

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in markii u horaysay magaalada Addis ababa ay ku kulmeen madaxweynaha maamulka Khaatumo Pro.Cali Khaliif Galayr iyaga oo ka wadahadlay sidii loo mideyn lahaa deegaannada Khaatumo iyo Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa warkan u sheegay warbaahinta ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Addis Ababa .

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku tilmaamay kulanka isaga iyo Pro.Galayr uu guul siyaadadeed oo u hirgashay shacabka Somaliland iyo kuwa khaatumo:

“Waxaanu magaalada Addis ku kulannay madaxweyne Khaliif anaga oo ka wadahadalney sidii nabad waarta looga dhalin lahaa deegaanka Khaatumo”, ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaannada Khaatumo ee xilka ka haya Somaliland ayaa waxay arrintan u arkeen iney horumar u horseedi karto deegaannadooda oo inta badan ah goob khilaaf iyo dagaallo iyo abaaro iskugu darsamay.

Masuuliyiin ka soo jeedda maamulka Khaatumo ayaa xilal kala duwan ka haya Somaliland, iyadoo ay jiraan  8 xildhibaan oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, sideed wasiir iyo ku xigeenno  waxayna xilalka haleen badan koodu ka dib wadahadallo xukuumadda Siilaanyo la gashay.

Wadahadalka Addis Ababa ka dib , waxaa la saadaalinayaan in Cali Khaliif ka mid noqodo maamulka Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada