U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare Oo Sheegay In Al-shabaab Culeys Saareen Deegaannada Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay culeys badan soo saareen deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wuxuu sheegay Waare in sababta ugu weyn ee ay Al-shabaab culeyska u saareen tahay duqeymaha ka socdo qaar kamid ah gobollada dalka, isaga oo sheegay iney jiraan dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah, kana yimid deegaannada la duqeeyay.

Sidoo kale, madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay sidoo kale marin ka dhiganayaan Hirshabelle, kuwaasi oo kusii socda gobollada xiga dhanka waqooyi oo ay ugu horreyso Puntland.

“Maamulka Hirshabelle waxaa soo fuulay culeys aan jirin oo ay soo saareen cadowga Nabad diidka oo ay sabab u tahay howlgallo xoog badan oo dhulka iyo cirka isugu jira oo ka socda gobollada Koonfur naga jira, taasi oo keentay cadow badan oo soo cararay soo galen Hirshabelle, sidaan xogta ku hayno waxay kusii socdaan qaarkood gobollo Waqooyi naga xiga oo ay ugu horreysa Puntland, qaarkoodna dabcan maamulkeenna ayeey culeys soo saareen, sidoo kale waxaa sabab u ah xasilooni darrada ka jirta wadanka xagga siyaasadda, taasi oo naga jahwareerisay dagaalkii rasmiga ahaa ee la rabay in lagu qaado cadowga nabad diidka ah” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Ugu Dambeyn, madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News