U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf “Dambiilaha Haddii uu Maraykanka Tago Xitaa Waa Lasoo Qaban”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducalle Geelle Xaaf oo shacab badan kula hadlay magaalada Cabudwaaq ayaa sheegay in gacanta ay kusoo dhigi doonan cid walbo oo dambi ka gasha deegaannada Galmudug, gaar ahaan degmadaasi meesha uu doono ha tagee.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xaaf in shacabka Caabudwaaq laga doonayo iney ka shaqeeyaan nabadda,is dhexgalka, wada noolaanshiyaha iyo dowladanimada.

Wuxuu ugu baaqay rer Caabudwaaq in ay nabadda qaataan, joojiyaan dagaallada sokeeye, una soo wadajeestaan cid walbo oo dhib wadda, haddii dambiile baxsadana lasoo qaban doono meel walbo oo uu u baxsado.

“Waxaa loo baahan yahay Nabad, Caabudwaaq waa magaalada ugu xun ee dagaalka sokeeye, aan beej cusub furanno maanta wixii ka dambeeya oo kii dambiilaha kusoo sheegno, haddii uu aado Itoobiyo ama Ameerika waa laga soo qaban, haddii uu Shabaab xitaa dhex galo waa laga soo qaban, ballan baan taas ku qaadnay” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Dhanka kale Madxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dib u heshiisiint uu ka bilaabayo Caabudwaaq, ayna ku xigto Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News