U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Gaalkacyo Kula Kulmaya Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in maanta magaalada Gaalkacyo uu kula kulmo maamulka magaalada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo maalmahani waday booqasho lugta ah oo uu ku marayay degaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa ugu magac daray socdaalka Nabadda.

Madaxweynaha ayaa shalay intii uusan gaarin magaalada Gaalkacyo sii maray degmooyin ay kamid yihiin Gallinsoor, Seddex Higlo iyo Bandiiradleey.

Kulamadani uu la qaadanayo maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa salka ku haya sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadda iyo horumarka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News