U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ku Jira Safarro Boogodhayid ah!

Sheeko:Dalka

Marka laga reebo safarka maanta la filayo inuu ku tagayo dalka Masar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu tan iyo markii la dooray ee Bishii May 15 dibadda u aaday 6 safar oo dibadda ah, 4 ka mid ah waxaa uu ku tagay dalalka dariska ah ee Bariga Afrika, in ka yar 20 maalin uu ku maqnaa ayuu soo dhayey dhammaan daanooyinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo weliba keenay heshiisyo cusub oo leh 46  faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira 100-kii maalin ee ugu horreysay ayaa illaa hadda waxaa uu qabtay hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda soo socota, taasi oo sahli doonta in ay horay u gasho u adeegista bulshada.

Goobjoog, ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaageysa safarrada madaxweyne Xasan iyo dhaxalka laga helay, waxaana is dul istaagi doonnaa lugtii uu ku maray dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, , Kenya, Djibouti iyo Tanzania .

Imaaraadka:

Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan ayaa markii uu kalsooni geliyey maamul goboleedyadii gudaha ah ee dib u doorashadiisa diiddanaa, waxaa uu lugtiisa ugu horreysay ee dibadda ah ka billaabay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u dhayo boog ka dhalatay ku milmidda maamulkii Farmaajo  ee loollanka dalalka Khaliijka, xayiraad uu ku sameeyey 10 milyan oo Doolar oo ay leedahay Abu Dhabi iyo xataa heshiiso dekado oo la baabi’iyey,  isaga oo inta uu joogay isutagga kulamo la yeeshay madaxweyne Maxamed Bin Raashid, mas’uuliyiin kala duwan oo dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kalsoonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalgeshiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Soocelinta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bilaash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soomaalida amniga, gaar ahaan ladagaallanka argigixisada iyo (10) iyo Iskaashi dhinacyo kale oo horumarineed ah.

Turkiga:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu booqashadiisa 2-aad ku tagay dalka Turkiga, kaas oo ah dalka keliya ee maalgelin dhan walba oo ay ku jiraan dekad, Airport iyo isbitaal ka fuliyey Muqdisho, isla markaana $1 billion ku bixiyey hawlaha banii’aadnimada 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqasho dhiirigelin ah u sameeyey ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u jooga gobolka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay madaxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi, natiijada socdaalkaasi waxaa ugu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xiriirka labada dal. (2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka gacansiinta dagaalka ka dhanka ah argigixisada. (3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sahlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Katilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caalami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

Eritrea: 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lugtiisa 3-aad ee dibadda waxaa uu ku tagay dalka Eritrea, safarka oo ujeeddo badnaa, waxaa ugu muhiimsanaa inuu meel kusoo ogaado nolosha in ka badan 5,000 oo askar Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu la’aa Eritrea muddo 3 sano ah, isaga oo la kulmay wiilashaas Soomaaliyeed, warbixinna ka dhageystay madaxda dalkaasi, taasi oo ka farxisay boqollaal waaliddiin ah.

Inta uu booqashada Eritrea ku jiray, waxaa kale uu kulammo la qaatay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo ay ku jiraan amniga, diblomaasiyadda, iyo wadashaqeyn xagga siyaasadda ah.

Warmurtiyeedka oo 7 qodob ahaa, waxaa ugu muhiimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2).  Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diirran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

Kenya:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa afaraad ku tagay dalka Kenya, isaga oo meesha ka saaray mugdi iyo kala shakin hareysay xiriirka labada dal muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, iyada oo Uhuru marka uu arkay niyad wanaagga madaxweynaha Soomaaliya uu ballanqaaday inuu Muqdisho ku daro dalalka urur goboleedka bulshada Afrikada Bari ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairobi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyadda xiriirta taariikhiga ah iyo masiirka midka ah ee labada dal ee ku saleysan nabadda, horumarka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee dal weliba. (2). Adkeynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bedqabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afrika (5). Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka billowdo Nairobi-Mogadishu (6). In labada dal ay isdhaafsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaadka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala duwan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee labada dhinac iyo arrimo kale.

Djibouti: 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa shanaad ee dibadda ahaa uu ku tagay dalka Djibouti, isaga oo sidoo kale soo celiyey kalsoonidii Hiil-waal oo meesha ka baxday xilligii Farmaajo, isla markaana meesha ka saaray mugdigii hareeyey xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Maxweynaha dalkaasi  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaaliya guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa dowladdaas ay bixiso iyo sidoo kale shahaado sharaf, waxaa uuna bog cusub u furay xiriirka labada dal.

Madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti ay wadaagaan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabkaasi ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey “Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djibouti waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.(3). Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigixisada. (5). In isku aragti laga noqdo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

Tanzania: 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda  East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediyey ka dalbaday 7bada dal ee xubnaha ka ah ururkaasi in ay aqbalaan xubinnimada Soomaaliya.

Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa;

(1). Mideynta Kastamyada:  Tan iyo 2005, dalalka ku jira suuqa EAC waxay lahaayeen suuq xor ah, oo badeecadaha sida ay doonaan isaga kala gooshaan, iyada oo tacriifta mid tahay dhammaan dalalka.

(2). Suuq Mideysan: Taas oo ka dhigan dhaqdhaqaaqa xorta ah badeecooyinka, dadka, shaqada iyo shaqaalaha, xaqa ah inaad wax dhisato, xaqa deegaanshiyaha, xaqa helidda adeegyada iyo xataa dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waxaa muwaaddintiinta dalalkaasi loola dhaqmaa si isku mid ah, oo aan kala sooc laheyn

(3). Mideynta Lacagta: Waxaa 2013-kii la saxiixay heshiis dhigaya in dalalka bariga Afrika ee ku jira EAC ay lahaadaan lacag qura, taasi oo wax badan ka beddeli doonta nolosha dadka, Soomaalidana ay wax badan ka faa’idi doonto.

(4). Federaaleynta: Arrinta kale ee safka kusoo jirta waa in ay yeeshaan federal sida aragti mideysan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo guud ahaan arrimaha gobolka, taasina waa arrin kale oo muhiim ah haddii ay Soomaaliya hesho xubinnimada EAC.

W/D: Cabdicaziz Gurbiye

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada