U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu kaga qayb galaya Baydhabo furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaaladaas.

Ammaanka guud ee maagalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shalay gaaray wafdi horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha  oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka.

Baydhabo ayaa waxaa ku sii qulqulaya marti sharaf, siyaasiyiin iyo aqoonka yahanka Koonfur galbeed, kuwaas oo lagu casuumay shirka.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku sugan magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in shirka uu maanta isaga iyo madaxweynaha jamhuuriyadda ay daahfuraan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada