U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Jabuti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in uu gaaro magaalada Jabuti ee dalka Djabuti.

Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haayo soo xiritaanka shirka machadka daraasaadka siyaasadda ee HERITAGE, kaas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka Jabuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona munaasibadda xiritaanka shirka Heritage, waxaana ay soo wada xiri doonaan madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle.

Shirka ayaa sanadkaan looga hadlayay isbaddalka cimilada iyo saameynta ka dhalatay, waxaana shirka Jabuti ka furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka cimilada ee dalka Jabuti

Goobjoog News