U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka iyo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Ka Qaybgalka Gurmadka Abaaraha iyo Dagaalka Ka Dhanka ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay, kadib gabagabadii shirka wadatashiga Qaran, oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay xaaladda abaaraha dalka, taas oo gaartay in laga baqo in ay isku badesho heer macluul iyo howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo Macawisleyda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowr jeer loogu baaqay shacabka iyo hey’adaha in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, waxaana markale uu  ku celiyay in loo baahan yahay in loo wada istaago sidii wax loogu qaban lahaa shacabka ay saameysay abaarta baahsan ee ku  dhufatay dalka, isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada ay markale ku celinayaan baaqa arrintaas.

“Maanta waxaan joognaa heer  abaartu ay mudan tahay in tixgelin gaar loo siiyo abaarta , oo sidii hore ka duwan oo ah deegaannada qaar iyo dalka meelo kamid ah in ay macluul u gudubto, xoolihii ayaa macluulay oo dhammaaday, iney macluul ugudubto ayey ku sii socotaa. Dadka Soomaaliyeed, meel kasta ay joogaan dal iyo dibadba, waxaan ugu baaqayaa waalalaal dadaalkaas aan sii kordhinno, si dadkeennu aysan u gaarin heerkaas macluusha ah” ayuu yiri isaga hadlayay.

“Annaga oo wadajirna codkeena waxaan ku kabeynaa,oo aan ku sheegeynaa, Soomaaliya waxaa ay caalamka ka codsanaysaa in la hor istaago oo dadaal badan la geliyo, duruufaha abaaraha ee deegaannada kala duwan ka jiraa iney macluul u gudbin, oo dad badan aaney nooga dhiman, waa yeeli karnaa, hadda ka dambe wax kama qaba karno, hadda weli heerkaas ma gaarin, waase ku sii socotaa,  deegaannada qaar waa sii kala daran yihiin qaarbaa aad looga deyrinayaa. Sidaas daraadeed waxaan codsaneynaa caalamka iyo dadka inaan maankeenna gelino inaan si wadajir ah uga hortagno” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhanka amniga isaga oo ka hadlay howlgallada ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kawadaan gobollada dalka, kaas oo ka dhan ah Al-shabaab, waxaa uu sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay shacabka iyo ciidanka, isaga oo ku baaqay in la sii wado dagaallada ay wadaan ciidanka iyo Macawisleyda.

“Dagaalkaas meel fiican ayuu marayaa, waa dagaal, waa dadnimadii  iyo xoriyaddii iyo daaficii Diinteenna ayaan dagaalkaas ugu jirnaa, dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ugu jiraan, maanta dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan dareenkaas ayaa ku wada jiro, waan bogaadinaynaa, waan dhiiragelinaynaa in lagu sii socdo. Dowladduna waxa ay kari karto iyo wax ay ka hagraneyso maleh, maanta nimankaan nabadiidka ah in dalka laga xoreeyo, aan ka hortagno macluul dalkeenu inuusan gaarin markaan leenahay, waxaa ugu horeyso inaan Shabaab dalka aan ka xoreyno si loo gaaro dadkii” ayuu yiri.

” Dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waxaan la socodsiinaynaa, ama uga digaynaa meesha Shabaab joogo in ay ka fogaadaan, nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf, ciidan kasta oo Shabaab ah waa hadaf, qof kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida ay dadka Soomaaliyeed ay hadaf uga dhigteen ayna u dilayaan ayaguna waa hadaf, agtooda haku dhaawacmin hana ku dhimanin ka fogow, waa la duqeynaa, waa lala diriraa, waa lagu duulaa, waa laga dul dagaa, wax walba oo dagaal ku furan yahay ayaa Shabaab ku furan, Shacabka Soomaaliyeed oo sharafta leh, haka fogaadaan” ayuu yiri isaga oo sii hadlaya.

Hadalka kasoo baxay madaxweyne Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maanta Muqdisho uu kusoo idlaataday shirka wadatashiga qaran, kaas oo u dhaxeeyay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana si weyn looga hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira oo laga baqayo in ay gaarto heer macluul ah, waxaana markale madaxweynu ku celiyay baaq ku aadan gurmadka abaaraha iyo amniga iyadoo aad looga hadlay howlgallada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada