U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka golaha Wasiirada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirada ayaa faray in la joojiyo shirarka lagu qabto dalka dibadiisa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirarka ay ka dhacaan gudaha dalka, marka laga reebo shirarka aan laga maarmi karin in ay dibadda ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha wasiirada faray in la hubiyo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo gudaha dalka in ay yihiin kuwa faa’ido u leh shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News