U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi u diray Ehelka Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

War ka soo baxay Villa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda uu dareenka Tacsida la qaybsanayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho, Sibteembar 01, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

DHAMMAAD