U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh : Sannadka soo socda Shabaab dalka waa laga weyn doonaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Soomaalida ku dhaqan magaalada Washington, dadaalada ay dowladda Soomaaliya ka waddo dalka ee Nabad gelyada, gurmadka abaaraha iyo dagaallada ka dhanka ah ururka alshabaab.

Madaxweynaha ayaa isagoo ka hadlayay Shirarkii uu Madaxda Mareykanka kula yeeshay dalkaasi waxa uu yiri: “Dowladda Mareykanka ee xilligaan joogtaahi way ka go’an tahay inay Soomaaliya kaalmayso.”

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Al-Shabaab isagoo sheegay Xasan Sheekh in Sanad kaddib Soomaaliya lagu arki doonin waxaana uu yiri: “Nimankii Shabaab ahaa Qabaa’ilkii inay caburiyaan ayay rabaan oo ay cabsi geliyaan, Ceelashii ayay ka gubeen, waad aragteen Berkadihii ayay baabi’iyeen, Carruurtii ayay dadka ka afduubteen, ayaan hore dagaalkii ugu xumaa ee qeybo ka mid ah Hiiraan ka dhacay oo dad badan ay ku dhinteen 27 Shabaab ah iyo 13 Ciidanka iyo shacabka isugu jira waxay ka dhasheen ilmo la afduubtay, Tuulo ayay inta yimaadeen 20 cunug ka wateen, waa ladaba kacay jidkii ayay dadkii u galeen, raacdareeb ayay sameysteen 7 qof ayay ku dileen dib ayaa la isku abaabulay haddana dhinacyadaa laga maray 27 Shabaab ah ayaa la dilay ilmihii oo hal cunug wax ka gaarinna waa laga soo celiyey.”

“Maanta shan Shabaab ah oo meel socota haddii la arko Geel-jirihii ayaa qoryaha ka dilanaya, maanta meeshaas ayay taagan yihiin, Shabaab xaaladdiisu waa sidaas, Insha Allaah sanadka soo socda Shabaab dalka waa laga weyn doonaa.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadayo xilli gobalada dalka qaybo kamid ah ay ka soconayaan kacdoon ay hormuud u yihiin dadka deegaanka oo alshabaab looga xuraynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Goobjoog News