U bood dhigaalka

Magaalada Gaalkacyo Oo Laga Xusay Munaasabadda 1-da Luuliyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug gaar ahaan dhanka Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa looga dabaal degay Munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah markii ay xuroobeen gobalada Koonfureed ee Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen gobalada Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadaan waxaa ka qeybalay Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, mas’uuliyiin ka mid ah Galmudug, siyaasiyiin shacab aad u badan iyo fanaaniin halkaasi ku qaaday heesho ka tarjumaya maalintaan qiimaha badan.

Bile Diini Cali oo ah gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ka hadlay qiimaha maalintaan ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu gudoomiye Bile ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan sidii ay dalka u dhisi lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen Nabad waarta.

Ugu dambeyn fagaare ku yaallo magaalada Gaalkacyo ayaa laga taagay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya, iyadoo shacabka halkaasi ku sugnaa ay ka wada muuqatay dareen farxadeed oo aan lasoo koobi karin.

Goobjoog News