U bood dhigaalka

Magaca Iyo Calanka Maamulka Lagu Dhisayo Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya shir maamul loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo badan.

Ergada ka qeybgaleysa shirkan waxay shalay ku dhowaaqeen magaca loo bixinayo maamulkaan cusub, waxayna ugu magacdareen Hir-shabella, waxaana laga soo gaabiyey magacaan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay calanka uu yeelanayo maamulkan cusub, waana calan u badan Buluug, leh xidig cad, dhinacna ku leh doog cagaaaran oo Saddex gees ah, geedna ku yaalla, webina uu  marayo.

Ergada ayaa codka u qaaday magacan iyo calanka intaba, waana ay meelmariyeen.

Shirka Jowhar ayaa xilligan wuxuu ku socdaa si dardar ah, waxaana la guda gelayaa soo bandhigista xildhibaannada baarlamaanka cusub ee uu yeelanayo maamulka Hir-shabelle.

hir3 hir2 hir1

Goobjoog News