U bood dhigaalka

Majaajiliiste Ajakis oo Ku Geeriyooday Muqdisho Kadib Markii uu 4 Maalin Koomo Ku Jiray

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Ajakis oo dhowr maalin xunuunsanaa.

Ajakis ayaa isbitaalka la dhigay 23-kii bishan kadib markii uu joogga ka dhacay, isaga oo ilaa intaas ku jiray Koomo.

Muruudi, in ka badan 25 sano ayaa tarjumay filimaanta isaga oo kasoo shaqeeyey shirkado kala duwan oo Imaankey iyo Al-faghi ka mid ah ahaayeen, waxaa kale uu ahaa jilaa riwaayado isaga oo sidoo kale barnaamijyo kasoo jeedin jiray idaacado iyo Telefeshinno maxali ah.

Ilaa hadda lama xaqiijin sababta geeriyada.

Goobjoog News