U bood dhigaalka

MAQAL: Milkiilaha Gaarigii Siday Walxaha Qarxa Ee Lagu Qabtay Boosaaso Oo Dalbaday In La Siiyo Gaarigiisa

Sheeko:Dalka

Ganacsade Xaaji Cali Macow oo ah milkiilaha gaariga dhowaan ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo laga dhex helay walxaha qarxa ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in isagu aanu wax shaqo ah ku lahayn arrintaasi, dalbadayna in loo soo celiyo gaarigiisa.

Waxa uu sheegay Xaaji Cali in lagu qalday gaarigan walxaha qarxa oo qudaar ahaan loo saaray, wuxuuna dhanka kale sheegay in marnaba isaga iyo gaarigiisa dambiile noqon karin, xitaa darwalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Puntland ayuu ka codsaday Xaaji Cali in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu soo celiyaan gaarigiisa.

“Dambi la’aan xoolo dad leeyahay laguma qaadan karo, waxaan codsanayaa in gaarigeyga dib la iigu soo celiyo sababtoo ah waa lagu qiyaanay waxa la saaray, in umad la dhibaateeyana anigaaba raali ka ahayn” ayuu yiri Xaaji Cali.

Maamulka Puntland ayaa sheegay iney la wareegeen gaarigan lagu qabtay walxaha qarxa, sidoo kalena ay cadaaladda horgeyn doonaan raggii wadey gaarigaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News