U bood dhigaalka

Maraakiib Dagaal Oo Kusoo Dhowaaday Demada Qandala Ee Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay kusoo dhowaadeen maraakiib dagaal oo la sheegay iney leeyihiin ciidamada NATO ee ku sugnaa xeebaha Soomaaliya.

Qandala oo 26-kii bishan ay la wareegeen dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsan yihiin Daacish ayaa hadda waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah, iyadoo inta badan  dadkii ku dhaqnaa degmadaasi ay kasoo barakaceen.

Maraakiibtan lama sheegin weli wax dhaq dhaqaaqyo Milatari ah oo halkaasi ay ka sameeyeen, hase yeeshee waxaa jiray dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidanka Puntland oo ay ku doonayaan  in degmadaasi ay dib ugula wareegaan.

Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Boosaaso, gaar ahaan dekadda Magaaladaasi kusoo xirtay doonyo badan oo dad barakacayaal ah kasoo qaadey deegaanno ku dhow degmada Qandala.

Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland waxay sheegayaan in saacadaha soo aadan ay doonayaan iney weerar ku qaadaan degmada Qandala ee gobolka Bari.

27-kii bishan ayaa la sheegay in dagaalyahannaada Daacish ay ka baxeen Qandala oo ay qabsadeen 26-kii bishan, hase ahaatee isla gabaldhacii maalinkaasi ayeey dib ugu soo laabteen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News