U bood dhigaalka

Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Rag ka tirsan Daacish

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabateyn dul dhigtay xubna sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta qayba kamid ah Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in ragga uu cunaqabateynta dul dhigay ay yihiin kuwa kooxda u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo xusay shaqooyinkii ay qabaneyn.

Dadka uu cunaqabataynta Maraykanka ku soo rogay oo gaaraya Afar qof ayaa kala ah:-

1: Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, kaas oo kooxda u qaabilsan soo iibinta hubka sharci darada ah.

2: Ciise Maxamuud Yuusuf, oo kooxda u qaabilsan fududeeynta  hubka, saadka iyo tahriibinta hubka.
3: Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah amiir ka tirsan kooxda

4: Maxamed Axmed Qahiye, Madaxa Amniyaadka Daacishta Soomaaliya.

Cunaqabateyntaan ayaa imaanaya xilli bishii hore ee October uu maraykanka dhawr jeer cunaqabateynno iyo xayirado ku soo rogay rag ka tirsan ururka Al-shabaab.

Goobjoog News