U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Daaha Karogay Diyaraadii la sugayay 30-ka Sano!

Sheeko:Dalka
Ciidamada cirka maraykanka ayaa daahqaaday Diyaaradda Duqeymaha Culus ee B-21 Raider, oo ah Diyaarad awood uleh Inay qaado weeraro Nuclear ah iyo kuwa loo adeegsado Hubka caadiga.
Ann Stefanik, oo ah af hayeen u hadashay ciidamada cirka Mareykanka, ayaa ku dhawaaqday in Washington ay daaha ka qaaday diyaaradeeda istaraatiijiga ah ee B-21 “Raider”, Taas oo Duuli karta Duuliye la’aan, awoodna u leh inay fuliso weeraro Nukliyeerka ah.
Sida u sheegay xoghayaha Difaaca Maraykan Mr Loyd Austin B-21 waa Diyaaradii ugu horeysay ee nuceeda ah oo uu maraykanku Farsameeyo muddo 30 sano ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Diyaaradani ka marag kacayso hormarka Farsamada Technologiyadda iyo hal abuurka maraykanka.
Imbadan oo ka mid ah sifooyinka diyaaraddan ayaa ah mid qarsoon, laakiin daahqadida diyaarad ceynkan ah waxay ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo laga sameeyay diyaaradaha wax duqeeya ee hadda ku jira shaqada Ciidamada cirka Mareykanka, sida Xoghaye Austin uu ka sheegay munaasabadda daahqaadida.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay, inaysan jirin Diyaarad wax duqeysa oo la mid noqon kata B-21.
Waxa uu sidoo kale xusay adkeysigeeda, isaga oo sheegay in loo qorsheeyay in ay noqoto Gadiidka dagaalka hawada ee ugu adkeysi badnaa abid.
Si la mid ah diyaaradaha dagaalka “F-22” iyo “F-35”, “B-21” waxaa lagu qalabeeyay tiknoolajiyadda isqarinta oo u oggolaanaysa inay xaddiddo in Raadaradu cadawgu kashifaan dhaqdhaqaaqeeda, iyada oo taasi ay usaamaxayso qaabka yo qalabka loo isticmaalay farsamadeeda.
Amy Nelson, oo ah khabiir ka tirsan machadka Cilmi baarista Brooking ee fadhigiisu Yahay Washington, ayaa sheegtay in Dayuuradda B-21″loo qorsheeyay inay aqbasho isbadallada farsamo ee mustaqbalka”.
Waxayna tilmaantay in hanaanka nashqadeynta furan ee open system architecture uu u oggolaan doono, in lagu daro Teclogiyadda military ee mustaqbalka.
Halkii xambo ee diyaaraddan ah ayaa qiimaheeda lagu sheegay 2Billion$, sida qorshuhu yahay, maraykanku waxa uu doonaya inuu farsameeyo 100 xambo oo doyaaradan ah, mashruucan ayaana ku kacaya in kabadan 200Billion Dollar.
Diyraada duqeymaha Fogfog ee B-21 waxa ay noqon doonta qayb muhiim ah oo ka mid ah “saddex xagalka Nukliyeerka” Maraykanka, kaas oo ka kooban kuwa laga soo tuuri karo dhulka, hawada iyo badda.
Magaca diyaaradda B-21 “Raider” ayaa lagu sharfay weerarkii “Raider” ee ciidanada cirka Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka ay ka fuliyeen Tokyo 1942kii ee uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare James Doolittle, oo ahaa weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanka ku qaaday gudaha Japan ka dib howlgalkii la yaabka lahaa ee japan ay ka fulisay furadada kulaasha badda Pacifica ee Pearl Harbor.
WQ/ Yahye Cabdullahi
Mawduucyada:Gobollada