U bood dhigaalka

Maraykanka oo shaaciyay 10- qof oo lagu daray liiska argagixisada

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay magacyada xubnaha ururka alshabaab u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, kuwaas oo uu Maraykanku xogtooda helay.

Xubnaha la shaaciyay ayay sheegeen Waaxda maaliyadda dowladda Maraykanka in ay yihiin kuwa alshabaab u fududeeya hawlaha dhaqaalaha ururka.

War lagu daabacay baraha bulshada ee Waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay sidoo kale in xubnahaan ay alshabaab u hayaan arrimo ay kamid yihiin isku xirka shabakadda iyo hay’adaha dhaqaalaha maxaliga ah.

Dhammaan xubnahaan oo gaaray illa  iyo 10 qof ayaa lagu daray liiska dadka Maraykanku uu u aqoonsan yahay Argagixisanimada, iyada oo loo cuskaday qaraarka tirsigiisu yahay (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:

ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen

KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn

HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate

ABDI SAMAD  – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo  Mohamed Ali Badaas (Badaas)

Maraykanka ayaana sidoo kale xayiraad dhanka Dhaqaalaha ah duldhigay xubnahaan uu shaaciyay Magacyadooda iyo hawlaha ay al-shabaab u qaabilsan yihiin.

Goobjoog News