U bood dhigaalka

Maraykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in Aqalka Cad uu ka xun yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha amniga madaxweynaha maraykanka Jake Sullivan, ayaa sheegay in Aqalka cad uu ka walaacay warbixinta Qaramada midoobay ay ka soo saareen xaaladda Soomaaliya.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay saadaashan xun iyo baaxadda baahida weyn ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Sullivan oo war-saxaafadeed soo saaray.

Sullivan, ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya ay ka dhalatay arrimo isbiirsaday oo ay ka mid tahay isbadalka cimilada iyo caabuqa COVID-19.

“Macaluushan laga yaabo inay dhacdo ayaa ka dhalatay arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada waxa uu sii wadaa inuu burburiyo gobolka, oo ay ku jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah. Gobolku wali kama soo kaban saamaynta xun ee cudurka COVID-19. Waxaa intaas dheer, duulaanka buuxa ee Ruushka ku qaaday Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taasi oo sii xumaynaysa baahida bani’aadaminimo, kana dhigay in gargaar la sameeyo mid qaali ah,” ayuu yiri Sullivan.

Taliyaha amniga madaxweynaha maraykanka Jake Sullivan, ayaa sheegay in ay tahay xaalad halis ah in macluul la tilmaamo.

“Ku dhawaaqid macluul waa mid naadir ah, waxayna dhacdaa kaliya marka dadku ay la kulmaan nafaqo-darro aad u xooggan, gaajo iyo dhimasho,” ayuu yiri Sullivan.

Jake Sullivan, ayaa sheegay in dowaladdiisa ay sanadkaan bixisay $706 milyan oo loogu deeqay Soomaaliya, balse ay nasiib darro tahay in deeqbixiyayaasha kale in ay dedejiyaan kaalmadooda.

“Nasiib darrose, weli maynaan arag deeq-bixiyeyaal kale oo ku kordhiyey tabarucaad dheeri ah oo la taaban karo, gargaarkuna ma daboolin heerarka baahida sii kordheysa. Waxaa lama huraan ah in beesha caalamku ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo si loo badbaadiyo nolosha loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah,” ayuu yiri.

Sikastaba gobalada Soomaaliya ayaa waxa ku fiday abaar baahsan, xilli saddex xilli roobaad la waayay roobab kii la filayay.