U bood dhigaalka

Mashaariic Horumarineed Oo Laga Fulinayo Degmada Baardheere (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu dhagax dhigey ilaa Afar mashruuc oo la billaabay in laga hirgeliyo degmadaasi, waxaana xafladdii lagu soo bandhigayey Mashaariicdaan kasoo qeyb galay Xubnaha maamulka, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Culimada, dhallinyarada iyo waxgarad kale.

Dhismaha Mashaariicdan oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa kamid ah, dhismaha Xafiiska Gudoomiyaha degmada, Garoonka kubadda Cagta, Xarunta Bulshada iyo Biyo xireenno lagu sameynayo Togagga biyaha kuwaasi oo horey u bur bursanaa halka kuwa kalena ay dayacnaayeen mudadii burburka.

Mas’uuliyiintii ka hadashey Xafladda oo ay ka mid ahaayeen Cadow Nuur Xasan oo ah Guddoomiyaha degmada Baardheere, Hilowle Aden Maxamuud oo ah isku duwaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Gobolka Gedo iyo xubno kale ayaa waxay ku dheeraadeen faa’idada mashaariicdani ay u leeyihiin bulshada Baardheere iyo sida ay bulshada uga faa’ideysan doonto.

Mashaariicdan laga hirgelinayo degmada Baardheere ayaa ah kuwa maalgelintooda laga helay mid kamid ah Hay’adaha caalamiga ah,waana mashaariicdii ugu ballaarneyd ee laga hergeliyo Baardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno.

Hoos ka arag Sawirada

dsc01115 dsc01120 dsc01063 dsc01041 dsc01042

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada