U bood dhigaalka

Masoomayaal Lagu Xirey Gaalkacyo Iyo Hargeysa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa howlgallo ay ka kala sameeyeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa waxay ku xireen dad la sheegay iney ahaayeen masoomayaal.

Ciidamada Puntland ayaa howlgalka ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxay kusoo qabteen 15 ruux oo Masoomayaal ah, kuwaasi oo la sheegay iney xilli maalin ah laguna jiro Ramadan ay si koox koox ah u karsanayeen raashiin.

Waxaa dadkaasi lagu hayaan saldhigga Gaalkacyo, waxaana maamulka magaaladaasi uu sheegay in cadaaladda la horgeyn doono.

Dhanka kale ciidamada Somaliland ayaa waxay magaalada Hargeysa ku xireen 10 ruux oo masoomayaal ah, lana qabtay iyaga oo wax cunaya, kuwaasi oo la geeyay saldhigga magaaladaasi.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa horey uga digey dadka iney ku kacaan fal sidan oo kale ah.

Goobjoog News