U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Diidey Xil Looga Magacaabey Somaliland

Sheeko:Dalka

Khadar Xaaji Cabdillaahi oo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo xalay u magacaabay wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka iyo Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna loo magacaabay guddoomiyaha Hargeysa ayaa labaduba iska casilay xilkii  loo magacaabay.

Labadan mas’uul oo saacado kooban gudahood  kaga cudur daartay xilkan ayaa siyaabo kala duwan u sababeeyey,  waxayna labaduba sheegeen inaanay  qaban doonin xilalkaasi.

Khadar Xaaji Cabdilaahi oo ah maamulaha dugsi sare oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in aanu ku qancin xilka wasiirka dalxiiska ee Somaliland  waxaanu ku sababeeyey  inaanay  ahayn wasaarad jirta oo dhisme iyo xafiisyo gaar u ah leh.

Magaca dalxiiska iyo dhaqanka  ayaa hore u hoos tagi jiray wasaarada warfaafinta Somaliland iyada oo   ay cabasho soo noq-noqota  ay  bahda dhaqanka oo fanaaniintu ugu  xooggantahay  ay ka sheegtaan  xafiis  la’aan ku haysta wasaarada warfaafinta dhexdeeda .

Cabdirisaaq Waaberi Rooble  oo isna war-saxaafadeed  xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay inuu  noqon doono guddoomiyaha Hargeysa  ayaa isna sheegay in aanu xilkaasi qaban doonin , waxayna wararku sheegayaan in uu ka biyo diiday  arrintan magacaabista waqtigan oo dad badani u fahmeen inay tahay olole madaxweyne Siilaanyo xisbigiisa Kulmiye ugu raadinayo cudud siyaasadeed.

Cabdirsaaq Waaberi ayaa isagu horey Somaliland uga soo qabtay xilalka wasiirnimo  ugu dambayna waxa uu ahaa guddoomiyaha Saylac oo dhowaan iyadna loo magacaabay magaca gobolka Salal.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sannadkan oo kaliya Saddex jeer sameeyey magacaabis iyo xil ka qaadis iyada oo masuuliyiinta la magacaabay ay mararka qaar gaareen in 40 masuul  hal mar la wada magacaabo .

Goobjoog News