U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan DFS Oo Ka Qeybgalay Carwada Buugaagta Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin Ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Bandhigga Carwada Buugaagta Muqdisho ee 2018.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa hadal ay ka jeediyeen furitaanka Bandhiggan ku booriyey qorayaasha Soomaaliyeed.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in ay Muhiimtahay in bulshada Soomaaliyeed lagu baraarujiyo kaalinta Wacan ee uu leeyahay Wax Akhriska, isga oo tilmaamay in Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay awoodda saari doonto sidii loo isticmaali lahaa qoraalka Afka Soomaaliga oo laf dhabar u ah jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Carwada Buugaagta Maxamed Diini ayaa sheegay in Sanadkii Afaraad ay qabanayaa Carwadaan taasi oo ay ku soo bandhigaan qorayaasha Soomaaliyeed Buugaagtooda.

Waxaa uu bogaadiyay Diini qorayaasha Soomaaliyeed isaga oo tilmaamay in la’aantood aysan qabsoomi laheyn Carwada Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

Carwadan waxaa soo qaban-qaabiyay  New Horizon, qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in halheys-ka sanadkan yahay “Literature and Expression in Education” oo ah in suugaanta lagu cabirro waxbarashada, iyaga oo laga hadli-doono kaalinta suugaanta ka qaadan karto waxbarashada iyo guud ahaan aqoonta.

Dadka ka soo qeyb-galay waxaa ka mid ahaa: Cabdi Latif Ega oo ah qoraaga Guban,  Axmed Yusuf, waxaa kale oo ku jira Professor Mareykan ah ee Paul. D Williams kaas oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia..oo howl-galka AMISOM 2007-2017.

Dadka kale, waxaa ka mid ahaa Dr. Cali  Abubakar, oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale.

Sanadkan waxaa lagu soo daray qeyb caruurta iyo wax akhriska ah, waxaana laga geli-doona doodo arrinkan la xiriira.

Goobjoog News