U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada B/xaawo Oo Xabsi Laga Sii Daayay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa xabsiga kasii deysay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada B/xaawo, kuwaasi oo loo haystay dilka Afar qof oo dhowaan lagu diley degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada B/xaawo, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale taliyaha saldhigga booliiska degmadaasi Diyaad Cabdi Kaliil ayaa la fasaxay, waxaana qaarkood mas’uuliyiintaan lagu xukumay iney bixiyaan Magdhowga Labo kamid ah raggii la dilay.

Kulamo kala duwan ayaa maalmahan dambe waxay ka soconayaan degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, kuwaasi oo dib u eegis ku sameynayey kiiska mas’uuliyiinta xirnaa.

Maxakamdda ciidanka jubballabnd ayaa sheegay in mas’uuliyinta ay lacagtaas magta ah ku bixiyaan mudada loo qabtay, haddii ay bixin waayaan ay tilaabo ka qaadi doonto.

23-ka bishii July ee sanadkan 2017, Afar qof oo ciidamada Jubbaland kusoo xireen saldhigga B/xaawo ayaa habeen madow waxaa la baxay ciidamo ka tirsan isla maamulka degmadaasi, kuwaasi oo toogtay dhammaan raggaasi.

Goobjoog News