U bood dhigaalka

Mas’uuliyiinta Hiiraan Oo Looga Yeeray Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ugu yeeray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale kuwa magaalada B/weyne.

Waxa uu Waare u yeeray guddoomiyaha gobolkaasi Mudane Sufurow, ku xigeennadiisa iyo duqa B/weyne, waxaana tirada mas’uuliyiinta laga sugayo Jowhar ay gaarayaan Shan.

Cabdulle Nuur oo ah xoghayaha maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in madaxda gobolka Hiiraan ay tagi doonaan magaalada Jowhar, maadaama loo yeeray.

Warar madax bannaan oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxdaan lagala hadli doono xiisado ka bilowday gobolkaasi gaar ahaan B/weyne, kuwaasi oo  ka biloway Geel la kala dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News