U bood dhigaalka

Maxaa Ka Cusub Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xaaladda deegaankaasi ay aad u deggan tahay, halkaasi oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwo taabacsan maamulka Galmudug.

Mid kamid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in mararka qaar la maqlo rasaas kor u dhaceysa balse aanu jirin wax dagaal ah.

Waxgarad ku dhaqan deegaankaasi iyo deegaanno kamid ah Galgaduud ayaa wada dedaal ballaaran oo ay ku daminayaan xiisadda Xeraalle.

Ahlu-sunna war qoraal ah oo ay soo saartay maalintii shalay ahayd waxay ku sheegtay in mas’uuliyadda dagaalkaasi leeyahay maamulka Galmudug, halka Galmudug ay iyaguna sheegeen in dagaalkaasi uu dhacay kadib markii lagu soo duulay shacabka Xeraale.

Maalmihii dagaallada Xeraale socdeen waxaa ku dhintey in ka badan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay 50 kale.

Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Xeraale ayaa inta badan halkaasi isaga barakacay, waxaana ay dadku aadeen deegaanno duleedka ka ah deegaankaasi, xilli halkaasi ay ka jirto abaar aad u baahsan.

Goobjoog News