U bood dhigaalka

Maxaa Ka Cusub Magaalada B/weyne?

Sheeko:Dalka

Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay aad loo hadalhayey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiye Yuusuf Dabageed, isaga oo iska diiday xil ka qaadistaasi.

Waxgarad ku sugan magaalada B/weyne ayaa durba bilaabay dedaallo ay ku doonayaan in Yuusuf Dabageed wax looga dhaadhiciyo si looga baaqsado is qabqabsi dheeraad ah.

Dabageed oo wata ciidamo aad u badan ayaa sheegay in waxa uu ku qanci karo ay tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana reer Hiiraan aanay xilligan lasii shaqeyn karin Hirshabelle.

Dhanka kale, waxaa socda qorshe ay magaalada B/weyne ku aadayaan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo reer Hiiraan ah, ulajeedkuna wuxuu yahay sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Yuusuf Dabageed oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ay ammar ku bixiyeen in isaga xabsiga loo dhaadhiciyo.

Goobjoog News