U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ah?

Sheeko:Dalka

Waxaa kulan caadi ah hadda leh golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, waa kulankii 10aad  ee kalfadhiga 5aad, waxaa shir guddoominaayo guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyada oo ay joogaan ku-xigeenkiisa 1aad mudane Abshir Maxamed Axmed iyo 2aad  Mowliid Guhaad.

Ajengada Kulanka: Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Senator Axmed Macalim Omar Axmed”Nadiir”, ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator/Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle oo ah xubin Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ayaa akhriyay warbixin Qodabada Wax kabadalka Lagu sameeyay.

Goobjoog News