Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa lagu soo gabagabeeyey shir Hal maalin socday, kaasi oo looga hadlayey amniga guud ee dalka.
Shirkan ayaa u dhaxeeyey wasaaradaha amniga DFS, maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.
Gabagabada shirkan ayaa laga soo saaray 13 qodob oo ay ka mid tahay dib u howlgelinta akadeemiyaddii Carmo, la dagaalanka Al-shababa iyo qodobo kale:
Halkaan hoose ka akhriso:
1- In la dardargeliyo howlaha amniga ee dalka, ciribtirka argagaxisada, lana sameeynayo xiriir joogto ah
2- In loo guntado tayeenta iyo dib u dhiska hay’adaha maniga, loona howlgalo sidii loo dhammeytiri lahaa baahida iyo agabka ay u baahan yihiin
3- In la tayeeyo Booliiska Labadiisa heer, lana soo bandhigo baahida Booliiska Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir
4- In la isku waafaqay mashruuca qorshaha dib u dhiska Booliiska oo ay ku bahoobeen dowladaha Jarmal, UK iyo Midowga Yurub
5- Waxaa la isla waafaqay in la dardargeliyo lana diyaariyo xilliga kala guurka ah
6- la dardargeliyo tirakoobka ciidamada Booliiska guud ahaan meel walbo oo ay joogaan
7- Waxaa la isla afgartay in guddiga wasiirada amniga yeeshaan shir Saddexdii bilba mar
8- Wasaaradda amniga in ay dabagal buuxa ku sameyso taliyeyaasha ciidamada Booliiska fulinta nidaamka Booliiska cusub
9- In la xoojiyo nidaamka cusub ee Booliiska
10- In la dardargeliyo isku xirka, wada shaqeynta, xog is weydaarsiga hay’adaha amniga
11- Sameynta xafiis guud oo xog uruurin iyo xog is weydaarsi ah
12- In la mideeyo tababarka iyo manjhaka booliiska Labada heer si waafaqsan nidaamka Booliiska cusub
13- In dib loo howlgeliyo akadeemiyadii Carmo
Goobjoog News