U bood dhigaalka

Maxaa Saakay Ka Cusub Magaalada Gaalkacyo Ee Mudug?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan saakay magaaladaasi laga dareemayo degannaasho, kadib dagaallo maalmo badan ka dhacay Gaalkacyo.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa saakay ah mid aad u deggan, iyadoo aaney jirin wax dhiillo colaadeed ah oo ka taagan magaalada, shacabkuna habeenkii xalay ahaa si nabad ah ayeey ku seexdeen.

Wariyeyaasheenna ku sugan Gaalkacyo ayaa soo tabinaya in shacabka Gaalkacyo ay soo dhoweeyeen heshiiskii shalay magaaladaasi ku gaareen madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa la filayaa in magaalada ay dib ugu soo laabtaan dhammaan dadkii ka barakacay, iyadoo sidoo kale maamullada Puntland iyo Galmudug looga fadhiyo iney fuliyaan qodobadii ay ku heshiiyeen.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay ku heshiiyey Saddex qodob oo kala ah:-

  • Ciidamada la kala qaado sida ugu dhaqsiyaha badan
  • In La Magacaabo guddi laba dhinac ah oo arrinta kala qaadista ciidanka ka shaqeeya
  • In 20-ka bishaan la isugu tago magaalada Kismaayo si loo dhammeeyo waxyaabaha dhaliya dagaallada gobolka Mudug ku soo laablaabtay

Goobjoog News