U bood dhigaalka

Maxaa Xilligan Keenay Xiriirka Cusub Ee Somaliland Iyo Eritrea?

Sheeko:Dalka

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa isniintii shalay soo gaadhey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Weftiga ayaa ku sugnaan doona Somaliland muddo saddex maalmood ah, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eriteriya Yemane Meskel.

Wasiir Saalax ayaa markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), iyadoo markii dambena uu kulan kula qaatey madaxtooyada madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Weftigayaga Eriteriya waxaa na soo diray madaxweynahayaga Isaias Afwerki, si aan u ogaanno waxaa ka soconaya Somaliland” sidaas waxaa yidhi wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya Cismaan Saalax, oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Somaliland.

Cismaan Saalax waxaa kale oo uu sheegay in muddo 20 sano ah ka dib oo ay ku jireen dagaal iyo cunaqabateyn ka dhan ah ay go’aansadeen in ay yimaaddaan Somaliland, iyadoo Geeska Afrika wakhti xaadirkan loo diyaariyay Nabad, sida uu yidhi.

Sidoo kale, weftiga Eriteriya waxay kulamo kala duwan la qaateen madaxda baarlamaanka Somaliland.

Imaanshaha weftiga Eriteriya ayaa si wayn looga dareemay magaalada Hargeysa, iyadoo waddooyinka waawayn ee magaalada lagu dhejiyay boodhadh waawayn oo lagu soo dhaweynayo weftiga martida u ah Somaliland.

Isbaddalka Geeska iyo Weftiga Eriteriya

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee yimaadda Somaliland gaar ahaan wadamada Geeska Afrika.

Wasiirka Warfaafinta Eriteriya Yemane Meskel, ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxaa uu ku sheegay in ujeedka booqashada Weftiga Eriteriya ay tahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Somaliland si loo dhiirrigaliyo Nabadda Geeska Afrika.

Dadka fahansan siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in booqashada wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya ay qayb ka tahay isbaddalka ka socda Geeska Afrika.

“Sababta ugu weyn ee Eritrea keentay Somaliland waxay tahay isbeddelka ka socda gobolka Geeska Afrika, taas oo markii hore laga reebay Somaliland, haatanse ay u muuqanayso in lagu soo darayo, waxaanse weli caddayn doorka Somaliland ka ciyaari karto isbeddelka ka socda gobolka, maadaama aan la aqoonsanayn dal ahaanteeda, hase ahaatee waxaa muuqanaysa in la qiray jiritaankeeda iyo muhiimadda ay leedahay in laga qayb geliyo” Sidaas waxaa yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda CPA, ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa.

Hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee sannadkii hore

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal uu bishii November ee sannadkii 2018kii uu ka jeediyay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuu ku ammaaney madaxweynaha Eriteriya, isagoo tusaale ugu soo qaatey xaaladda ay maanta ku sugan tahay Somaliland.

Hadalka Biixi ayaa u dhignaa sidan;

“Somaliland wixii nabad ah way soo dhaweynaysaa, wiixi iskaashanayana way soo dhaweynaysaa,  in lays ixtiraamana way soo dhaweynaysaa, maanta dabeysha ka socota Geeska Afrika ee la yidhi nabadeynta Geeska Afrika ee dawladdaha qaar ku dhawaaqeen, waxaa u hormood ah madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki. Isaias Afwerki intii uu noolaa illaa maalintii uu isagoo Injineerin bilaabay uu sannadkii ugu horreeyay kaga tagey  illaa maanta wuxuu ku jiray dagaal uu gobonnimada ugu dooneyo Eriteriya. 32 sano ayuu dagaal ku jiray markii uu dagaalkii ka yimidna Itoobiya cod ayay ka qaadey codkiina xorriyad ayuu ku qaatey, haddana Itoobiya ayay is dileen oo dal isku qabsadeen, haddana 11 sano oo kale ayuu go’doon ahaa oo u adkaystay cadaadiskii la saarey isagoo diidey in afar mitir oo dalkiisa ah laga qaado ayuu tu walba u marey, tiisii ayay noqotay caalamka oo dhan baa halkiisii ugu yimid, Prime ministerkii Itoobiya ayaa la yidhi u tag adigu Asmara oo dhulkii aad ku muranteenna sii, isagana talada ka  qaado, wuxuu muujiyay in muraadkii dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayay illaa ciddii ku haysatay ay ku xukuntay, Somalilandna kaa way kasii adagtahay”

Goobjoog News
Hargeysa, Somaliland