U bood dhigaalka

Maxaabiis Tiro Badan oo Cafis loo Fidiyey Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

In ka badan 50 dad horey ugu xukunaa muddo xabsi kala duwan ayaa oodda laga qaaday magaalada Kismaayo bisha Ramadhaan ee baraykaysan darteed, waxaana fasaxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Taliyaha Xerada Ciidamada amaanka Jubbaland ee magaalada Kismaayo Cabdiqaadir Aadan Cusmaan Sanjeex ayaa sheegey in uu rajaynayo in maxaabiistani la fasaxay ay ka saacidi doonto in dhaqankooda wanaajin doonaan.

Waxa uu intaasi ku daray in dambiyada ay galeen aysan ahayn dambiyo waaweyn, baaritaan badana ay soo mareen.

“Intii ay xirnaayeen waxaa ku socdey wacyigalin iyo dardaaran, aad ayaana loogala hadlay in waxyaabihii ay sameyn jireen ay ka waantoobaan” ayuu yiri taliyaha.

Waa markii koowaad oo maxaabiis tiradan leh xafis lagu siidaayo markaliya.

Goobjoog News

 

22 23 24 25 26

Mawduucyada:Gobollada