U bood dhigaalka

Maxaad ka taqaanna Jabhadda FRUD ee weerarka ku qaaday ciidamada Jabuuti?

Sheeko:Dalka

Jimcihii la soo dhaafay koox hubaysan ayaa askar ka tirsan ciidamada Jabuti ku dishay meesha loo yaqaano Garabtisan  oo ka tirsan gobalka Tadjourah.

Weerarka askarta lagu dilay ayaa yimid kadib marki ay koox lagu magacaabo Furaadka Hubaysan (FRUD), ay weerar ku soo qaadeen ciidamada dowladda, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 7 askari, kuwa dhaawacmeen 4 kale.

Hadaba waa kuma kooxda Furaadka Hubaysan (FRUD)

Ururkan hubaysan ayaa la aas-aasay sanadkii marka uu ahaa 1991-kii, waxaana loo aas-aasay in ay ka shaqeyso danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuti.

Waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay ay ahaayeen koox taagero ka hesho dad ku nool dalka dibadiisa, kuwaas oo dhaqaalaha iyo arrima kaleba ka saacida.

Kooxdaan ayaa ka dambeysay khalalaaso iyo dhibaatooyin dalka ka dhacay kadib sanadkii 1994-kii, kuwaas oo la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof.

FRUD ayaa laba garab u kala jabtay sanadkii 1994-kii, xilligaas oo ay kala noqdeen garab qunyar socod ah oo markii dambe dhamaadkii sanadkaas heshiis la galay dowladda Ismaaciil Cumar Geelle.

26-December sanadkii 1994-kii, ayaa garabkii qunyar socodka noqday ee uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, heshiis dowladda kula galeen magaalada Adis Ababa.

Garabki kale oo isagu noqday garab jabhad ah ayaa ka biyo diiday in uu wax wadahadal ah iyo isku soo dhawaansho la galo dowladda Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, ayaa isaugu weeraro iyo dagaallo ku soo ururay.

Jabhaddan oo loo jeediyo eedo ah in ay hubka ka hesho dowladda Ereteriya, ayaa waxaa hoggaamiya Axmed Diini Axmed; waxaana wixii intaas ka dambeeyay bilaabnmay kacdoon iyo weji cusub oo ka dhan ah dowlada Jabuti.

Furaadka Hubaysan, ayaa weeraro dhowr ah ka fuliyay gudaha dalka Jabuti, labaatankii sano ee la soo dhaafay, taas oo keentay in kooxdaan oo inta badan ku jirta duurka ay weeraro gaadma ah mar marka qaar ku soo qaadaan dalka.

Sikastaba Jimcihii aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii ciidama ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan Garabtisan  ee gobalka Tadjourah, ay weerar ku qaadeen, halkaas oo ay ku dileen 7 askari oo Jabuti.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada