U bood dhigaalka

Maxay Dowladda Soomaaliya u Diiday in Al-shabaab Lagu Daro Liiska Argigixisada?

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii shalay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah ayaa waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo sababta dowladda federaalka ah u diideyso in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday sida go’aan noocaas ah uu u saameyn karo Soomaaliya waxaana u soo baxday in laga hortago in Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-shabaab.

Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo  ammaanka

Qaraarkan ay Kenya wadato, waxaa la gudbiyey todobaadkii hore, waxaa kale oo dalabka ku jira in marka Al-shabaab lagu daro liiska argigixisada kadib ay dunida  qaado dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News