U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Kulanka Deni iyo Diyaano ?

Sheeko:Dalka

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhaamaday shir dhex maray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano.

Diyaano oo uu wehliyo wafdi uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shalay kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Madaxweynaha Puntland.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan, Deni ayaa ku amray Diyaano inuu aqbalo wareegtadii 24-kii November, 2021-ka, ee xilka looga qaaday agaasimaha, balse Diyaano ayaa taas ku gacan seeray go;aanka Deni.

Dhinaca kale agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa dhankiisa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in uu aqbalo go’aankii ay soo saareen isimada Puntland.

Kulanka ayaa intaas kadib soo dhamaaday waxaana lagu balamay in kulama kale la isugu yimaado labada dhinac ee PSD iyo Puntland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada