U bood dhigaalka

Maxey Kawada Hadawleen Qoor-Qoor iyo Hay’adda IOM?

Sheeko:Dalka
Madaxwaynaha dowlad Goboleedka  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay, wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda IOM, wafdigaas oo soo gaaray Dhuusamareeb.
Booqashada wafdiga hey’adda  IOM ayaa waxaa uu salka kuhayay mashruuc ay kafulinayaan Galmudug, waxaana  uu yahay mid wax kaqabanaya arrimaha deegaanka iyo biyo la’aanta soo foodsaartay dadka kunool miyiga deegaanada Galmudug.
Kulanka wafdiga kasocday  Qaramada Midoobay iyo Qoorqoor ayaa waxaa kale oo diiradda lagu saaray xaaladda Abaaraha ee ka jirta deegaannada Galmudug, taas oo dalka iyo duunyada saamaysay iyo maashiircda horamarineed ay wadday IOM.
Booqashada wafdiga IOM iyo mashruuca ay ka fulinayaan Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xoogan ay kudhfteen Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Galmudug, iyadoona lafilayo in mashruucan goordhow laga fuliyo deegaannada miyiga.
Goobjoog News